Geedka dhamaska Geedkan dhamaysta la yidhaahdo waxa uu ka mid yahay dhirta caqiibada iyo cajiibka leh ee ILLAAHAY gaar inoogu galladay, waa geedka dhulka soomaalida mooyee adduunka kale oo idil aan ka bixin, waxa laga helaa oo keliya dhulka soomaalida, gaar ahaan xeebaha iyo buuraleyda ku teedsan, asalkiisu na wuxuu kasoo jeedaa dhulka soomaaliyeed oo waa soomaali dhalad ah. Inkastoo waddamo shisheeye innaga dhaceen oo aan gunaanadka ku xusi doono Budhcad dhireedaas inna dhacday. Geedkan dhamaystu afafka qalaad magacyo kale kuma laha aan ka ahayn Magac soomaaligan Dhamas (Damas). Magac cilmiyeedkiisa na (Scientific name) waxa la yidhaahdaa "Conocarpus lancifolius" (Combretaceae). Geedkan Dhamaystu wuxuu si dabiici ah uga baxaa dooxooyinka xeebaha. Mujisooyinka iyo Faa'iidooyinka geedkan Dhamaysta waxa ka mid ah; 1. Geedkan Dhamaystu sida magaciisa ka muuqata waa lidka jeermiska dhulka (Antibacterial And Antifungal), waxaanu ka daweeyaa carrada Bakteeriyada noocyadeedan k...