Skip to main content

Posts

Showing posts from July 1, 2022

toban ka mid ah qaladaadka ugu waaweyn ee inta badan fashiliya mashaariicda cusub.

In ay fikrad fiicani maskaxdaada ka dhex guuxayso iyo in aad haysato lacag aad u aragto in ay ku habboontahay maalgelinta fikraddaas, macnaheedu ma’aha in aad shirkad aasaasi karto. Sahaminaha ugu dambeeyey ee la sameeyey waxa ay muujiyeen in inka badan boqolkiiba 50 mashaariicda cusubi ay fashilmaan sannadaha ugu horreeya ee aasaaskooda, xitaa iyada oo dadka mashaariicdaas wadaa ay yihiin kuwo si aad ah uga baaraan degey, qiiro badanna u qaba bilowgeeda. Qormadan oo ay faafisay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku dul istaagaynaa toban ka mid ah qaladaadka ugu waaweyn ee inta badan fashiliya mashaariicda cusub. 1. Boqolkiiba 36 ka mid ah shirkadaha iyo mashaariicda cusub waxaa guuldarrada ugu wacan raasamaal badan oo ay geliyaan dhismaha iyo hirgelinta waxyaabo aanay cidi u baahnayn. 2. Boqolkiiba 18 mashaariicda cusubi waxa ay u fashilmaan sababta maalgeliyaha ama hindisaha mashruuca oo inta aanu bilaabin ka hor aan iska hubin in maalka uu hayaa uu ku filan yahay mashruuca uu doonayo hi...