Dawladnimadu ma ahan in la noqdo Madaxweyne ama Wasiir, ama xumin Baarlamaan. Dawladnimadii waxaa ku dhacay Sicir barar, qofka Soomaaliga ahi ma doonayo inuu shaqeeyo asaga oo aan Madax ahayn. Hadaba Su´aashu waxay tahay kuligeen ma noqon karnaa Madax? Haddaanse noqono yaan xukumeynaa? Waxaa kaloo Maantay Soomaalida joogta ugaga yaabay haddii aan dhanka Ciidamada eegno waxay doonayaan inay dhammaantood ay noqdaan Saraakiil, waa Su'aale yaa Dagaalka aadaya oo dablayaal noqonaya? Ciidanku waa Saraakiil, saraakiil xigeenno, xarigleey, alifleey iyo dableey. Hadaba markii arimaha noocaas dhacaan ahi sidee loo wajihi karaa? Maxaase la gudboon Dowladda? Maxaase shacabka Soomaaliyeed la gudboon. Waxaa la gudboon inay is difaacdo oo ay guddi Jawaab waafi ah ka bixiya dhammaan eedaha lagu soo oogay ay diyaariso Jawaab deg deg ahna ka bixiso. Taas macnaheedu ma ahan in Afhayeen ama Wasiir uu hadlo oo kaliya, ee waa in la diyaariyo qorshe dhammeystiran oo ka tarjumaya waxa jira oo dhabta ah i...