Skip to main content

Posts

Showing posts from September 15, 2022

Buugga: ‘13 Things Mentally Strong People Don’t Do’ ~ oo ay qortay Amy Morin

Buugga: ‘13 Things Mentally Strong People Don’t Do’ ~ oo ay qortay Amy Morin. ================== Dhammaanteen waxa aynu ognahay in jimicsigu u dhiso jidhka una kordhiyo awood iyo adkaysi, laakiin badankeennu waa aynu mooggannahay in ay jiraan habab sidaas oo kale aynu maskaxdeennana ugu dhisi karno, una tayeyn karno si ay ugu diyaarsanaato xilliyada adag ee soo waajihi kara, iyo tallaabooyinka ay tahay in aynu qaadno marka caqabadaha kala duwan ee noloshu ay innaga hor yimaaddaan, iyo weliba sida ugu habboon ee aynnu marka horeba uga dheeraan karno duruufaha noocaas ah. Amy Morin oo ku xeeldheer dabiibka nafsiga ah (Psychotherapist) ayaa waayoaragnimada ay ka heshay muddo dheer oo ay ku soo dhex jirtay la tacaalista xanuunnada nafsiga ah iyo la talinta Bukaanka xaaladaha nafsadeed la soo dersaan, waxa ay xaqiiqsatay in caadooyinka dib u dhaca oo uu qofku iska goyn kari waayaa ay yihiin sababaha ugu badan ee ka hor istaaga guusha iyo badhaadhaha. Xaaladaha nafsadeed ee ay ka mid yihiin ...

Nidaamka waxbarasho ee umadeed waka keeni kara hormarka bulsho

Halkan waxa kusoo bandhigi doona in nidaamka waxbrasho ka qayb qaato hormarka bulsho ee dhan walba tusaale aynu u soo qaadano ..Nidaamka waxbarashada aasaasiga ah ee dalka Japan waxaa ka mid ah in dugsiga hoose/dhexe xoogga la saaro maaddo lagu magacaabo, ‘Barashada anshaxa’. Waxa ay ka kooban tahay afar qaybood oo aasaasi ah;  1. Wacyiga shakhsiga ah oo qofku uu barto, fahmana shakhsiyaddiisa, dareenkiisa, waxa xiise geliya, waxa uu jecelyahay, waxa aanu ku fiicnayn. Ilaalinta quruxda iyo nadaafadda jidhka iyo dharka, Geesinimada iyo hal-adayga, xoriyadda, Nidaamka, run jeclaanta, dadaalka, isku filnaanshiyaha iyo in qofku naftiisa ku tiirsanaado, run-sheegnimada, iyo guud ahaan in uu is barto qofka uu yahay. Waxa uu gudo iyo waxa uu geyaba.  2. Xidhiidhka uu qofka kale la yeelanayo; anshaxa ay tahay in uu kula macaamilo, Mahadnaqa, niyad u dhiska qofka, kibir la’aanta iyo is dhuldhigga, saaxiibtnimada, iskaashiga, caawinta iyo garab siinta qofka u baahan, iwm. 3. Xidhiidhka ...