Duulaanka Masaarida ee dhaqaalaha Soomaaliya ! Shatiyadan ay horay ka siinayaan Siyaasiyeenteenu shirkadaha iyo Bangiyada ajaanibta, ayadoo aan daraasad laga sameyn u jeedka ka danbeeya waa in laga waantoobo. Haddii kale waxaa dhici doonta in la yiraahdo Somalia masoo dhoofin karto ,xoolo aan soo marin shirkado Masaari ah o dalalka khaliijka lama soo gelin karo. In la yiraahdo liin aan lagu soo qalajin Masar ma soo dhoofin kartaan, iyo in la yiraahdo xoolo aan soo marin xanaanada rugaha Masaarida ka furteen Somalia wadamada khaliijka ma soo geli karaan. In ganacsatada Soomaaliyeed ee waa weyn ee keena sida sokorta, shamiitada, bariiska ay suuqa ka baxaan markii ay qiime kula tartami waayaan kuwa masaarida ee garabka ka helaaya dawladooda.Waxaan ku oran lahaa ganacsatada Soomaalida, warhoy talo iskula laabta . Duulaanka ganacsi ee noocan ah wuxuu caqabad ku noqoneyaa ganacsata Soomaalida ee ka ganacsada Afrikada Bari (East Africa). Waayo ganacsatada Soomaalida dawlad ma taage...