La kala tag! Shan sano ka hor ayuu Sheekh Nabiil Al-Cawadi bilaabay mashruuc uu ugu magacdaray Hud’hud, waa mashruuc diinta Islaamka caalamka loogu faafinayo, oo qaab casri ah u shaqaynaya, Sheekh Nabiil iyo dadka la shaqeeya shantaas sano ayaga oo aan safarro galin ayay 168 dal diinta gaarsiiyeen, waxayna soo islaamiyeen 45,000 oo qof oo maanta usoo afxirantay. Taas oo u dhiganta celcelis ahaan usbuuc kasta 190 qof, maalin kastana 27 qof! Sheekh Nabiil waxaa murugagalisay in dadka adduunka ku nool kudhowaad %80 aysan haysan diintii xaqa ahayd ee Ilaahey raalliga ka ahaa, weliba annaga oo joogna xilli ay fududaatay in qof walba farriintiisa faafsado. Waxaa murugagalisay in meediyaha caalamku Islaamka suurad xun ka faafinayo, annaguna aannan suuraddiisa saxda ah ee qurxoon faafinayn. Maxay sameeyeen? Waxay doorteen luqadaha ugu dadka badan caalamka, sida: af-ingiriisiga, af-shiinayska, af-isbaanishka, af-faransiiska, af-jarmalka, af-burtuqiiska, af-ruushka, af-jabbaaniiska, Iwm. Dad afa...