Skip to main content

Awooda caqliga Dahsoon ( The power of subconscious mind )


   
   Awooda caqliga Dahsoon

( The power of subconscious mind )

        - Buugan Waxa Qoray

          (James Thompson )

         waxaana Turjumay 

          ( xamse Tudhaale )


Qoraalada ugu muhiimsan buugan ee aan wax badan ka faaiday markaan akhriyay waxa ka mid ah........


Aaminaadaha aad naftaada ka qabto ee ku jira garaadkaaga dahsoon waxa ay saamayn wayn ku leeyihiin xaqiiqada aad la kulanto noloshaada. Haddii aad caqliga dahsoon ku sidato aaminaado taban oo naftaada ku saabsan, waxa aad si dhab ah ula kulmaysaa aaminadahaas oo dhab ah, balse haddii aaminaadaha caqligaaga dahsoon ku jira ee ku saabsan naftaadu yihiin kuwo wanaagsan waxa aad si dhab ah ula kulmi doontaa isla aaminadaahaas inta aad nooshahay. 

Sababtu waa in xaqiiqada aad ku nooshahay ay la mid noqonayso sawirka aad maskaxdaada ku haysato. Aan ku celiyo mar labaad qodobkan, waayo waa mid xasaasi ah xaqiiqada aad ku nooshahay waxa ay la mid noqon doontaa aamindaaha iyo sawirka maskaxdaada ku jira oo macnaheedu yahay hadba wixii maskaxdaada kuugu jira ayaa ay noloshaaduna u eekaanaysaa. 

Waatan sida ay u shaqaynayso arrintani, waxa aan hore u soo sheegay in caqligaaga dahsooni uu xakameeyo ficiladda aad u qabanayso mooganaanta, taas oo aan ku koobnayn oo kaliya neefashada iyo garaaca wadnaha balse ay ku jiraan ficilladaada iyo hab-dhaqannadaadu, waxaanay u maamulaysa hab-dhaqannadan iyo ficilladan iyada oo ku sidkaysa aaminaadaha naftaada aad ka qabto eek u kaydsan caqligaaga dahsoon.

 Aan ku siiyo tusaaleyaal kooban: 

▪︎ Haddii aad aaminsan tahay in aad tahay qof xun waxa uu caqligaaga dahsooni kuu horseedi doonaa in aad samayso waxyaabaha kaa dhigi kara qof xun 

▪︎ Haddii uu ku jiro fikir caqligaaga dahsoon in aad tahay fiqiir ama in aad noqoto qof hanti leh, caqligaaga dahsooni waxa uu kugu sababi doonaa in aad khasaariso kharashaadka ku soo gala oo aad u maarayso hannaan liita. Ama waxa uu kuu sawiri doonaa caqabado kaa dhiga fiqiir, sababtuna waa in awooddadu la heer noqonayso fikirkaagaas 

▪︎ Haddii uu ku jiro fikir caqligaaga dahsoon oo ah in aan lagu jeclayn waxa uu garaadkaaga dahsoon kugu sababi doonaa in aad ka fogaato dadka ama aad burburiso dhammaan xidhiidhada aad leedahay 

▪︎ Haddii uu ku jiro fikir caqligaaga dahsoon kaas oo ah in caafimaadkaagu liito ama aad ku jirto xaalado caafimaad oo halis ah waxa uu ku sababi doonaa caqligaaga dahsooni in aanu si wanaagsan u shaqayn difaacaaga jidheed, taas oo ka dhigi doonta qof xanuusanaya.

Marka aad bedesho aragtiyahan taban ee caqligaaga dahsoon galay kana dhigto kuwo togan oo wanaagsan waxa isbeddeli doonta xaqiiqada aad ku nooshahay iyo xaalladda aad ku sugan tahay. Waana taas awoodda qarsoon ee caqliga dahsooni, waana waxa aynu kaga hadlaynu kuna sharraxayno dhiganahan.


William James, aabihii kasmo nafeedka/ cilmu nafsiga maraykanka ayaa yidhi “Isbeddelka ugu weyn ee jiilkeenu waa helitaanka in aadamuhu bedelista ay beddelayaan hab-fikirkooda gudeed ee garaadku uu beddeli karayo qaybaha dibadeed ee nolosha” 


By: Xamse Tudhaale 
Tafatire✍️: Opportunity Club 


Comments

Popular posts from this blog

Geospatial Information Technology (GIT) in Fragile Contexts.. free online course

Tignoolajiyada macluumaadka juqraafiyeed (GIT ) Tignoolajiyada Macluumaadka Geospatial (GIT) waxaa ka mid ah ururinta iyo falanqaynta xogta fog ee laga dareemay, meelaha dhijitaalka ah iyo xogta sifaha loo isticmaalo nidaamyada macluumaadka juqraafiga (GIS), iyo adeegsiga tignoolajiyada la xidhiidha sida Nidaamka Meelaynta Caalamiga ah (GPS). Sayniska macluumaadka juqraafi waa mid ka mid ah mihnadaha hogaaminaya Maraykanka maanta. Waa maxay sababta macluumaadka geospatial ay muhiim u tahay? Tiknoolajiyada Geospatial waxay awood noo siinaysaa inaan helno xogta loo tixraaco dhulka oo aan u isticmaalno falanqaynta, qaabaynta, jilitaanka, iyo muuqaalaynta . Tiknoolajiyada Geospatial waxay noo ogolaataa inaan samayno go'aamo xog ogaal ah oo ku salaysan muhiimada iyo mudnaanta khayraadka kuwaas oo intooda badan ku xaddidan dabeecadda. Waa maxay faa'iidooyinka barashada GIS? GIS waxay u ogolaataa isticmaalayaasha inay abaabulaan, sawiraan, oo ay falanqeeyaan lakabyada kala duwan ee xo...

Diploma in Python Programming. Free online course

Koorsadan, waxaad ku baran doontaa aasaaska luuqadda barnaamijka Python, oo ay weheliso barnaamijyada hab-dhaqannada ugu wanaagsan. Waxaad baran doontaa inaad matasho oo kaydiso xogta adigoo isticmaalaya noocyada xogta Python iyo doorsoomayaasha, oo waxaad isticmaashaa shuruudo iyo wareegyo si aad u xakamayso socodka barnaamijyadaada. Waxaad ka faa'iidaysan doontaa awoodda qaababka xogta adag sida liisaska, sets, qaamuusyada, iyo tuples si aad u kaydiso ururinta xogta la xidhiidha. Waxaad qeexi doontaa oo aad diiwaangelin doontaa hawlahaaga gaarka ah, waxaad qori doontaa qoraallo, oo aad maarayn doontaa khaladaadka. Ugu dambeyntii, waxaad baran doontaa inaad ka hesho oo aad isticmaasho cutubyada Maktabada Heerka Python iyo maktabadaha kale ee qolo saddexaad. Waxay kaa cawinaysa  ▪︎ Horumarinta Shabakadda ▪︎ Horumarinta Software-ka ▪︎ Horumarinta Ciyaaraha AI & ML ▪︎ Falanqaynta Xogta Links hoose ka baro Coursada ⬇️  (100% Free) Diploma in Python Programming... Description ...