Shan sano ka hor ayuu Sheekh Nabiil Al-Cawadi bilaabay mashruuc uu ugu magacdaray Hud’hud, waa mashruuc diinta Islaamka caalamka loogu faafinayo, oo qaab casri ah u shaqaynaya, Sheekh Nabiil iyo dadka la shaqeeya shantaas sano ayaga oo aan safarro galin ayay 168 dal diinta gaarsiiyeen, waxayna soo islaamiyeen 45,000 oo qof oo maanta usoo afxirantay. Taas oo u dhiganta celcelis ahaan usbuuc kasta 190 qof, maalin kastana 27 qof!
Sheekh Nabiil waxaa murugagalisay in dadka adduunka ku nool kudhowaad %80 aysan haysan diintii xaqa ahayd ee Ilaahey raalliga ka ahaa, weliba annaga oo joogna xilli ay fududaatay in qof walba farriintiisa faafsado. Waxaa murugagalisay in meediyaha caalamku Islaamka suurad xun ka faafinayo, annaguna aannan suuraddiisa saxda ah ee qurxoon faafinayn.
Maxay sameeyeen?
Waxay doorteen luqadaha ugu dadka badan caalamka, sida: af-ingiriisiga, af-shiinayska, af-isbaanishka, af-faransiiska, af-jarmalka, af-burtuqiiska, af-ruushka, af-jabbaaniiska, Iwm. Dad afafkaas u dhashay ayaa la shaqeeya, waxay duubaan muuqaallo kookooban ayaga oo afafkaas ku hadlaya oo warbixin kooban ka bixinaya diinta Islaamka, ka dibna waxay ku faafiyaan baraha bulshada, wayna maalgaliyaan (Promote) ayaga oo dooranaya dalka ay rabaan in muuqaalkaani gaaro iyo da’da ay rabaan inay dhegeysato, iwm. Waxayna u raaciyaan link uu kala soo xiriiri karo qofkii warbixinta diinta ka hela ee doonaya in uu wax badan ka sii ogaado ama ku biiro.
Qaybta xiriirka waxaa u fadhiya dad 24ka saac diyaar ah, oo qofkii soo hadla soo dhoweeya, faahfaahin siiya, su’aalahana uga jawaaba. Qofkii soo islaama waxay u diyaariyeen macad online ah, oo free ah, oo diinta lagu baro.
Akhyaartaasu waxay ku socdaan oo lacagaha ay muuqaallada ku maalgaliyaan ku bixiyaan wixii dadka muxsiniinta ahi ku soo tuuraan akoonnada webkooda ku qoran, qof walba ayaana ka qaybqaadan kara. Sidoo kale, qofkii raba in uu xirfaddiisa ama aqoontiisa ku tabarruco wuu ka qaybgali karaa, sida: qofkii luqad qalaad yaqaan, oo dadka soo hadlaya u jawaabaya, qofkii dadka soo islaamay diinta wax ka baraya, ama luqadda Carabiga yaqaan oo baraya, ama arrimaha technicalka ah ka caawinaya.
Magaca Hud’hud ee ay wataan waxay ka qaateen shimbirkii Hud’hudka ahaa ee ciidanka nebi Sulaymaan ka tirsanaa ee warbixinta ka keenay dadkii cawaanta ahaa ee aan diinta haysan, ka dibna sidaas diinta lagu gaarsiiyay.
Intarneedkaan aan annagu u adeegsanno waqtilumiska, qaarkeenna Ilaahey uga fogaadaan, dad baa janno ku shaqaysta. Ilaahey ha naga dhigo dad is garta in aysan cawaan ahayn, ee ay yihiin dad Ilaahey diintiisii ku karaameeyay, Ilaahey ha na garansiiyo in aan xil iska saarno dadka dayacan ee ambadka ka ah wixii adduunkaan na loo keenay.
By: apdifatah Ali shiraym
Comments