In ay fikrad fiicani maskaxdaada ka dhex guuxayso iyo in aad haysato lacag aad u aragto in ay ku habboontahay maalgelinta fikraddaas, macnaheedu ma’aha in aad shirkad aasaasi karto.
Sahaminaha ugu dambeeyey ee la sameeyey waxa ay muujiyeen in inka badan boqolkiiba 50 mashaariicda cusubi ay fashilmaan sannadaha ugu horreeya ee aasaaskooda, xitaa iyada oo dadka mashaariicdaas wadaa ay yihiin kuwo si aad ah uga baaraan degey, qiiro badanna u qaba bilowgeeda.
Qormadan oo ay faafisay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku dul istaagaynaa toban ka mid ah qaladaadka ugu waaweyn ee inta badan fashiliya mashaariicda cusub.
1. Boqolkiiba 36 ka mid ah shirkadaha iyo mashaariicda cusub waxaa guuldarrada ugu wacan raasamaal badan oo ay geliyaan dhismaha iyo hirgelinta waxyaabo aanay cidi u baahnayn.
2. Boqolkiiba 18 mashaariicda cusubi waxa ay u fashilmaan sababta maalgeliyaha ama hindisaha mashruuca oo inta aanu bilaabin ka hor aan iska hubin in maalka uu hayaa uu ku filan yahay mashruuca uu doonayo hirgelintiisa.
3. Boqoliiiba 13 shirkadaha kaca ama mashaariicda fashilma waxaa sabab u ah shaqaalaha ay qaataan oo aan u qalmin aqoon ahaan ama waayoaragnimo iyo karti ahaanba heerka iyo Nooca shaqo ee laga rabo.
4. Boqolkiiba 12 mashaariicda cusubi waxa ay u guuldarraystaan sababta cidda mashruuca wadda oo fikirku ka baaho ama garan weydo yoolka ay tahay in ay xoogga saarto, iyo waxa ay tahay in aanay waqti ama maaliyad ku lumin.
5. Boqolkiiba 7.9 ka mid ah ganacsiyada iyo mashaariicda guuldarraystaa waxa ay sababsadaan iibka ama suuqgeynta waxa ay soo saareen oo ay ku guuldarraysteen awgeed.
6. In la waayo qof shuraako ah oo ku habboon shaqada ama ganacsiga ayaa sabab u ah boqolkiiba 5.4 kicitaanka ganacsiyada ama guuldarrada ku timaadda mashaariicda.
7. Boqolkiiba 3.3 ka mid ah maalgashadayaasha iyo hal-abuurrada ganacsi ama Mashruuc, waxa ay waqti aan loo baahnayn, dadaal iyo fikirba geliyaan in ay helaan cid maalgelin dheeraad ah siisa, halkii ay ka ahayd in ay raadiyaan macaamiil iyo cid iibsata waxsoosaarkooda ama adeeggooda. Taasina waxa ay keentaa guuldarro iyo in ganacsigu kaco ama mashruucu fashilmo.
8. Boqolkiiba 2.1 ka mid ah mashaariicda iyo ganacsiyada cusub waxaa galaafta maaliyad badan oo ku baxda kharashaad aan loo baahnayn.
9. Boqolkiiba 1.4 mashaariicdu waxa ay u guuldarraystaan sababta qofka wada ama hal-abuuray oo ka baqa in uu cid kale caawimo iyo kaalmo weydiisto awgeed.
10. Waxa se ugu xiise badan in boqolkiiba 0.7 mashaariicda guuldarraysta ay sababtoodu tahay baraha xidhiidhka bulshada oo aan muhiimad la siin ama la iska dhego mariyey, halkii ay ahayd in laga faa’ideysto suuqeyntooda iyo xogaha lagu faafiyo.
Tafatire ✍️ Mohamed Ahmed
Write ✍ Opportunity Club
Comments