Skip to main content

Dawladnimada Iyo Soomaalida Maanta .














Dawladnimadu ma ahan in la noqdo Madaxweyne ama Wasiir, ama xumin Baarlamaan. 

Dawladnimadii waxaa ku dhacay Sicir barar, qofka Soomaaliga ahi ma doonayo inuu shaqeeyo asaga oo aan Madax ahayn. Hadaba Su´aashu waxay tahay kuligeen ma noqon karnaa Madax? Haddaanse noqono yaan xukumeynaa?

Waxaa kaloo Maantay Soomaalida joogta ugaga yaabay haddii aan dhanka Ciidamada eegno waxay doonayaan inay dhammaantood ay noqdaan Saraakiil, waa Su'aale yaa Dagaalka aadaya oo dablayaal noqonaya? Ciidanku waa Saraakiil, saraakiil xigeenno, xarigleey, alifleey iyo dableey.

Hadaba markii arimaha noocaas dhacaan ahi sidee loo wajihi karaa? Maxaase la gudboon Dowladda? Maxaase shacabka Soomaaliyeed la gudboon.

Waxaa la gudboon inay is difaacdo oo ay guddi Jawaab waafi ah ka bixiya dhammaan eedaha lagu soo oogay ay diyaariso Jawaab deg deg ahna ka bixiso. Taas macnaheedu ma ahan in Afhayeen ama Wasiir uu hadlo oo kaliya, ee waa in la diyaariyo qorshe dhammeystiran oo ka tarjumaya waxa jira oo dhabta ah iyo Mawqifka Dowladda. 

Waxaana muhiim ah in dowlad ahaan laysku tashado oo la mideeyo dowlad goboleedada gobol kasta oo wax tabanayana lakeeno fagaaraha marka laga reebo gobalada dowladnimo isku aqoonsaday kuwaasi waa in hab dublumaasi loola hadlaa oo cilmiyeeysan .


By : Cali Xirsi Kaarshe "Kabayare"

Comments

Hope for somali said…
Waa qormo cajiiba alle madaxda ha inoo hagajiyo

Popular posts from this blog

Geospatial Information Technology (GIT) in Fragile Contexts.. free online course

Tignoolajiyada macluumaadka juqraafiyeed (GIT ) Tignoolajiyada Macluumaadka Geospatial (GIT) waxaa ka mid ah ururinta iyo falanqaynta xogta fog ee laga dareemay, meelaha dhijitaalka ah iyo xogta sifaha loo isticmaalo nidaamyada macluumaadka juqraafiga (GIS), iyo adeegsiga tignoolajiyada la xidhiidha sida Nidaamka Meelaynta Caalamiga ah (GPS). Sayniska macluumaadka juqraafi waa mid ka mid ah mihnadaha hogaaminaya Maraykanka maanta. Waa maxay sababta macluumaadka geospatial ay muhiim u tahay? Tiknoolajiyada Geospatial waxay awood noo siinaysaa inaan helno xogta loo tixraaco dhulka oo aan u isticmaalno falanqaynta, qaabaynta, jilitaanka, iyo muuqaalaynta . Tiknoolajiyada Geospatial waxay noo ogolaataa inaan samayno go'aamo xog ogaal ah oo ku salaysan muhiimada iyo mudnaanta khayraadka kuwaas oo intooda badan ku xaddidan dabeecadda. Waa maxay faa'iidooyinka barashada GIS? GIS waxay u ogolaataa isticmaalayaasha inay abaabulaan, sawiraan, oo ay falanqeeyaan lakabyada kala duwan ee xo...

Diploma in Python Programming. Free online course

Koorsadan, waxaad ku baran doontaa aasaaska luuqadda barnaamijka Python, oo ay weheliso barnaamijyada hab-dhaqannada ugu wanaagsan. Waxaad baran doontaa inaad matasho oo kaydiso xogta adigoo isticmaalaya noocyada xogta Python iyo doorsoomayaasha, oo waxaad isticmaashaa shuruudo iyo wareegyo si aad u xakamayso socodka barnaamijyadaada. Waxaad ka faa'iidaysan doontaa awoodda qaababka xogta adag sida liisaska, sets, qaamuusyada, iyo tuples si aad u kaydiso ururinta xogta la xidhiidha. Waxaad qeexi doontaa oo aad diiwaangelin doontaa hawlahaaga gaarka ah, waxaad qori doontaa qoraallo, oo aad maarayn doontaa khaladaadka. Ugu dambeyntii, waxaad baran doontaa inaad ka hesho oo aad isticmaasho cutubyada Maktabada Heerka Python iyo maktabadaha kale ee qolo saddexaad. Waxay kaa cawinaysa  ▪︎ Horumarinta Shabakadda ▪︎ Horumarinta Software-ka ▪︎ Horumarinta Ciyaaraha AI & ML ▪︎ Falanqaynta Xogta Links hoose ka baro Coursada ⬇️  (100% Free) Diploma in Python Programming... Description ...

Awooda caqliga Dahsoon ( The power of subconscious mind )

       Awooda caqliga Dahsoon ( The power of subconscious mind )         - Buugan Waxa Qoray           (James Thompson )          waxaana Turjumay            ( xamse Tudhaale ) Qoraalada ugu muhiimsan buugan ee aan wax badan ka faaiday markaan akhriyay waxa ka mid ah........ Aaminaadaha aad naftaada ka qabto ee ku jira garaadkaaga dahsoon waxa ay saamayn wayn ku leeyihiin xaqiiqada aad la kulanto noloshaada. Haddii aad caqliga dahsoon ku sidato aaminaado taban oo naftaada ku saabsan, waxa aad si dhab ah ula kulmaysaa aaminadahaas oo dhab ah, balse haddii aaminaadaha caqligaaga dahsoon ku jira ee ku saabsan naftaadu yihiin kuwo wanaagsan waxa aad si dhab ah ula kulmi doontaa isla aaminadaahaas inta aad nooshahay.  Sababtu waa in xaqiiqada aad ku nooshahay ay la mid noqonayso sawirka aad maskaxdaada ku haysato. Aan ku celiyo mar labaad qodobkan, waayo waa mid xasa...