Marka kowaad waxaan bulsho waynta waxyeeladu kasoo gaadhay dabka suuqa waaheen leenahay alle Bedel khayr qaba oon raagin haydigu bedelo. Markaad waxyaabo badan eegto dhowr su'aalod iswaydiinaysaa.
Ganacsatadu bangi ay aaminto ma jiro miyaa?
Ma doorki doowladaa la tabayaa?
Ma wacyiga bulshada ayaa hooseeya?
Ma doorki wacyigelineed ee baananka iyo faaidooyinkooda ayaa maqan?
Lacagta kaashka iyo dollar ah ee ku gubatey suuqa waheen ee Hargeysa tasoo la xaqiijiyey, taasi waxay ku tusinaysaa in weli bulshadeenu ku jirto wakhtigi lacagta guntida lagu haysan jiray ama qasnado lagu kayadsan jira
Umada soomaaliyeed badankeedu waxay u baahantay inay fahanto wuxu yahay bangi, shaqadu qabto, faa-idada bangiyadu u leeyihiin? Marka ay fahman shacabka somaliyeed su aalahan iyo qaar kaloo ka ag dhaw ayay ku dhiiran karaan oo u hiloowi karaan isticmaalka bangiyada lakin inta aanay fahmin ama aanay ka jawaabi karayn su aalahas kor ku xusan inay isticmaalaan waa baabacadaas oo layidhi timo hakasoo baxaan oo ka dhigan hadalkii xikmada badna ee laga hayay nin philosophy ah ee uu lahaa qof walba waa la necebyay waxaanu aqoon!! Tusaale ahaan adigu hadii aad cuni jirtay hilib geel oo lagu keeno ayax ama shimbiro waad necbaysanaysaa sidan waxa ka dhigan hadii aad taqaanay inad gurigaaga ku kaydsato lacagtada ama aad adiga iyo dhawr qof oo kale isku darsan jirteen lacag oo kolba midkiin la siin jiray si uu wax ugu qabsado (hagbad) kaama dhadhici karto inad lacagtaada ku kaydsato bangi aanad hore u aqoon isticmaalkiisa oo kugu cusub, nin philosophy ah ayaa laga hayay game ka waxa la ciyaaraa marka aad shuruucdiisa baratid bangigina waxa la isticmaalaa markad shurucdiisa fahantid.
Waxan idinla wadagayaa qiso yar oo gaaban oo uu nooga sheekeyay macalin jaamacada wakhtigii noo dhigayay jamacada qisadan oo ku dhacday gabadh somaliyeed, gabadhan somaliyeed waxa loo soo diray lacagtii biilka iyo tii jaamacada halkii ay lacagta ka dhigan lahayd bank account waxy lacagtii ku ridatay qolfada mobile ka ee xaga dambe, dabadeed waxa dhacday in mobile kii laga xaday lacagtiina ka raacday! Waa arin naxdin badan hadana layaabkeeda leh. Siday doontaba ha ahaate waa arin tusaale u ah shacabka soomaaliyeed oo ay kala kulman fahan la aanta bangiyada dhacdadan iyo dhacdoyin kale oo kasii waawayn. Hadaba umada soomaaliyeed waxay u bahanatay in la fahansiiyo isticmaalka baananka meel kasta oo ay jogan iyadoo loo samaynayo dhiirigalin, xayaysiin lana tusayo faa-idada ay u leeyihiin. Bangiyadu maaha meel lagu kaysado lacagta oo kaliya lakin way ka macno balaadhanyiin waxanay leeyiin qaybo kala duwan iyadoo lagu kala saarayo shaqooyinka ay qabtaan iyo qaab dhismeedkooda, hadii aan soo qaadano noocyo kamida bangiyada waxa ugu muhiimsan kuwan;
• Bangiga dhexe (central bank): waa bangiga bangiyada wana bangiga dawlada.
• Bangiyada gaarka ah (specialized bank): waa bangiyada aan dawliga ahayn ee gaar loo leeyay.
• Bangiyada ganacsiga ah (commercial bank): wa bangiyada u gaarka ah ganacsiga.
• Bangiyada islaamiga ah (islaamic bank): waa bangiyada ku shaqeeya nidaamka islaamiga ah.
• Bangiyada maalgelinta (investment bank): waa bangiyada dhiiri galiya maalgalinta.
Gunaanadki waxaan bulshada u soo jeedin lahaa
◇ ganacsade kasta iyo qof walba oo haysta lacag aay xajmigeedu badan yahay marnba ha dhigin guri ama qasnad dhig baanka aad aminsantahay intaanad dhigina baro sharaciyada iyo qawaaniinta baanka aad dhiganayso lacagta.
◇ hadaanad aaminsanayn baanaka raadi qof aqoon u leh baananka kalana tasho lacagta baankad dhigi lahayd.
◇ lacag uunbaa lacag ilaalisa markasta waxaad aaminta inaad furato account kana furato baananka, lacagta laguugu ilaalinayo lacagtaada ha eegin ee waxaad I eegta lacagtaada kuu safe noqonaysa.
By: Mohamed Ahmed
Comments