- Waa maxay fursadaha maalgashi ee ugu wanaagsan ee ganacsiga yar yar ee Soomaaliya?
- Ma doonaysaa in aad ganacsi ka furato Soomaaliya oo raasamaalkeedu yar yahay?
- Ma tahay Soomaali raadinaysa ganacsi yar oo aad ku bilaabi karto lacag yar ama lacag la'aan. Ma tahay ganacsade raadinaya ganacsi yar si uu u maalgeliyo?
Waxa laga inaad hayso lacag yar laakiin ma haysatid fikrad ganacsi. Soomaaliya waxaa ka jira fursado badan oo ganacsi oo yaryar.
Soomaaliya waa dhul ay ka jiraan fursado aad u wanaagsan, kuwa baahi loo qabo in la maalgaliyo.
inkastoo wadamada dhaqaalahooda uu si xowli ah u korayo, hadana fursadaha shaqo ayaa wali ka xadidan dadka u dhashay, taasoo ku cadaadidsay bulshada Soomaaliyeed inay abuurto fursado shaqo oo iyaga u gaar ah.
Akhbaarta wanaagsan ayaa ah in ganacsi faa'iido leh laga bilaabo Soomaaliya ma aha hawl adag haddii aad si fiican u qalabaysan tahay agabka aasaasiga ah iyo aqoonta.
Si loo dejiyo dhaqdhaqaaq ganacsi, ganacsaduhu wuxuu u baahan yahay inuu qiimeeyo suurtagalnimada ganacsiga, heerka suuqa iyo fursadaha mustaqbalka.
Si kastaba ha ahaatee, wax kasta ka hor, ganacsigu wuxuu u baahan yahay fikrad lagu qanci karo, si loo galo kharashyada bilowga ah.
Markaad akhrido liiskan, waxaad ogaan doontaa qaar ka mid ah fikradaha ganacsi ee ugu wanaagsan, kuwaas oo muujinaya inay faa'iido badan leeyihiin.
Kuwani waa fikrado ganacsi oo faa'iido leh oo Soomaaliya laga bilaabi karo waxayna faa'iido badan u leeyihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo maalgashadayaasha.
1. Cunnada Degdega ah ee Waddada dhinaceeda
( Roadside Fast Food ).
Kani waa ganacsi duug ah oo la tijaabiyay. Haddii aad rabto inaad hesho ganacsi aad guul ka gaadho, laakiin si joogto ah waa inaad samaysaa qiimayn suuqa ah oo dhanwalba leh, cuntadu waa goob ganacsi oo heer sare ah.
Cuntadu waa baahi lama huraan ah, baahideeduna weligeed hoos uma dhici karto. Sidaa darteed, waxaa loo arkaa waxqabad lacag-samayn ah. Haddii aad si adag u shaqeyso oo aad rabto inaad tijaabiso xirfadahaaga cunto karinta, waxaad dooran kartaa doorashadan ganacsi.
Ilaali tayada, waa inaad keenta cunto cusub oo ka duwan kana fudud kuwa la yaqaano, noqo mid
gaar ah oo samee calaamad kuu gaar ah. Raac talooyinkan fudud oo markii ugu horeysay la jijaabiyay waa inay ka go'nataa inaad u shaqayso si adag.
2. Tababar waxbarasho ( tutorial educational platform)
Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, laakiin waxaa la yaab leh, ma jiraan dugsiyo wanaagsan oo ku filan oo lagu bixiyo. Ma ahan Soomaali oo keliya, balse waalid kasta oo koonka ku nool waxa uu rabaa in ilmihiisa uu helo waxbarashada ugu wanaagsan. Maadaama ay Soomaaliya ka maqan yihiin dugsiyo tayo sare leh, umeerintu waxay kuu keeni kartaa dakhli sare.
Ha ku xaddidin fursadahaaga xirfado waxbarasho oo dhan kaliya ah. U rog xirfadahaaga adag iyo kuwa jilicsan oo u diyaarsan habraac qof walba fahmi karo. Tusaale ahaan Miyaad sawiri kartaa ama ma naqshadayn kartaa dahabka? Ma tahay qof cunto jecel ama cunto karis ah?
Xirfad sare ma u leedahay ciyaar gaar ah?
Naqshadaynta mareegaha? Ma laga yaabaa inaad xiise u leedahay qorista hal-abuurka, qoob-ka-cayaarka ama xitaa
beerashada?
Waa inaad diyaarisaa aqoon dhan walba leh oo ku baxaysa af-somaali.
3. Alaabta Gacanta Labaad (Second Hand Products):
Ganacsiga gacanta labaad ee Soomaaliya ayaa kor u kacaya maalinba maalinta ka dambeysa. Maadaama ay tahay qayb sii kordheysa iyo fursad ganacsi oo wanaagsan oo Soomaaliya ka jirta waxay gacan ka geysataa kordhinta meertada nolosha badeecadaha.
Yaa aan jeclayn in wax yar lagu kharash gareeyo
shay run ahaantii ay sarayso tayadisu? Qofka Soomaaliga ah wuxuu si sahal ah u bixin karaa wax kasta oo alaabta gacan labaadka ah haddii ay ku habboon yihiin in la isticmaalo.
Ganacsigani waxuu u baahan yahay inaad fahanto
Garan karto alabaha ku iibsamaya gacanta labaad ee baahi looga qabo suuqa.
waxa ay dadku rabaan inay iibsadaan, oo aad xidhiidh la samayso alaab-qeybiyeyaal ku siin kara alaabta. Ku bilow wax yar, diirada saar tayada, qiimayaasha la dalaci karo oo dhis saldhigga macaamiishaada. Furaha ayaa ah inaad ka farxiso macaamiishaada.
Kuwani waa fikrado ganacsi oo faa'iido leh oo Soomaaliya laga bilaabi karo waxayna faa'iido badan u leeyihiin dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo maalgashadayaasha.
4:Shaqaalaysiinta khadka tooska ah
( Online Recruiting )
Qaar ka mid ah fikradaha ganacsi ee khadka tooska ah ee ugu fiican ayaa ah kuwa ficil ahaan ku jira farahaaga.
Haddii aad ku jirtay goobtaada wakhti dheer, waxaa laga yaabaa inaad leedahay xiriiro ama shakhsiyaad ku takhasusay adeegyada qaarkood. Tusaale ahaan, haddii aad tahay qoraa madax-bannaan, waxaa laga yaabaa inaad taqaano qoraayaal kale oo madax-bannaan ama laga yaabee naqshadeeyayaasha garaafyada, suuqleyda ama naqshadeeyayaasha websaydayada.
Haddii aad haysatid xirfad ama aqoon oo aad u leedhay khibrad buuxa, waxaad u shaqayn kartaa shaqaale online ah, isku xidhka ganacsiyada iyo xirfadlaysa waa ganacsi guulaysan kara lana jibjaabiayay.
Write ✍ Mohamed Ahmed
Comments