Waxa aan kamid nahay bulshooyin badan oo halis ugu jira dabar-go' dhaqan, liinbax diin iyo ka tagis sooyaal quruxbadan oo xishood iyo edeb asal u ahaa, sida umudaha kalaba waxa aan qarka u saaranahay in aan weyno wanaag badan oo aan lahayn.
Tiktok waxa uu kamid yahay halista bulshadeena ku waajahan ee ay khatarta ugu jiraan, Tiktok adduunka oo dhan maanta dadka sida joogtada ah u isticmaala waxay ka badanyihiin 800 oo milyan, dadka dagsaday oo taleefoonadooda ku shubtayna waxay ka badanyihiin 1.5 billion oo qof. Waxa uuna Tiktok noqday application-ga aan game-ka ahayn ee loogu dagsiga badanyahay app store-ka iyo google play-ga.
41% dadka isticmaalaa Tiktok waxay da'doodu u dhaxaysaa 16-24 jir, waxayna u badan yihiin dhalinyaro caadifadooda iyo shahawaadkoodii ay ka qaalib noqotay. Tiktok maanta wuxuu noqday mid kamida aplication-da ugu baaxada wayn ee baraha bulshadu ku xiriirto, muuqaaladiisu waxay soconayaan ilbiriqsiyo, wuxuu awood kuu siinyaa inaad ku qabatid muqaalkaaga codod ay dadkale duubeen, waxaad bilaabaysaa isticmaalkiisa maanta, waxaadna beri noqonaysaa qof caan ah oo ay ku xiranyihiin kumanaan qof oo kala luqad iyo jinsi duwan, hadii aad gashid oo aad damacdid inaad ka dhex raadisid hal video ama muuqaal oo wax ku soo kordhinaaya caqligaaga ama noloshaada waa habeenkii xalay ahaa oo tagay inaad wax ka faa'idid, hadana iyada oo ay sidaas tahay bay waxay kuugu qaadanaysaa saacado inaad ka dhex baxdid sidii in la sixray caqligaaga.
Maanta waxyaalaha bulshooyinka adduunka isa sii baray oo isku furay waxaa kamida application-nada baraha bulshada ee waayadaan dambe bulshooyinka hal meel isugu keenay, waxayna ka qayb qaadatay in bulshooyinkaas kala duwan ay soo baxaan dhaqanadoodii, waxaad arkaysaa in bulsho loo haystay bulsho dhaqan wanaagsan ay maanta noqotay bulshooyinka ugu liita, ka soomaali ahaan waxaa la inaga aaminsanaa bulsho akhlaaqiyan iyo diiniyanba horumarsan, oo ahlu diina, xifdisana Qur'aanka xitaa hadaynaan maadiyan horumarsanayn, laakiin maanta qofkii soo galaa Tiktok oo aan waligii soomali maqal markuu arko muxuu ka fahmayaa? Dabcan wuxuu ka aaminayaa bulsho wada niikinaysaa oo qabyaalad aan loo meel dayayn ku kadeedsan oo la dhiban.
Tiktok khatarta uu leeyahay waxaa maanta ka soo horjeedsaday oo wadanadooda ka mamnuucay dowlado waawayn, waxaa lagu maxkamadeeyay Maraykanka waxaana sidoo kale laga dacweeyay dalalka Bakistan, Masar iyo Al-Jeeriya. Waxaan maalin dhawayd soo qoray Netfilix iyo filimaanta xun ee da'yarta loogu soo hoos galinaayo waxyaabo badan oo dhaqankooda iyo diintoodaba ka soo horjeeda caqligoodana lagu xadayo, laakiin barnaamijkaan Tiktok wuu ka khatar badanyahay saamayntiisu Netfilix.
Dhibaatooyinka ugu waawayn ee uu Tiktok maanta soo kordhiyay waxaa kamida in qoysaskii iyo guryaha dhexdoodii ay noqdeen meelo aan lahayn wax khusuusiyaad ah oo xitaa qolkii hurdada lasoo duubaayo, waxaa laga yaabaa dadka qaar kamida xitaa alaabtooda iyo qaabka ay guriga ugu taal in ay dadka la wadaagaan, oo hadii ay macquul noqoto inaad gurigooda dhex takto aadba taqaan shay kastaa meesha uu u yaal. Waxyaabaha kale ee uu Tiktok inagu soo kordhiyay waxaa kamida inay isku dhacaan qoysas badan oo halkaas ku burburaan, waxaa kaloo arkaysaa in dad badani ay jirkooda wax ku raadinayaan oo aad mooda in dhaqankii iyo xishoodkiiba laga tagay.
Waxyaabaha la yaabka leh ee uu Tiktok la gaarka yahay waxaa ka mida in adiga oo aan account ka samaysan aad awood u leedahay inaad daawankarto muuqaaladiisa aan dhamaadka lahayn oo hadii aad maantoo dhan wado anuu dhamaanayn, wakhtigaagiina uu sidaas ku dhamaanayo.
Maanta dhlinyaro badan ma awoodaan inay shan daqiiqo wax akhriyaan iyagoon maskaxdoodu bixin, waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo ka cabanaya qoraal yar oo ku dhahaya cod ahaan noogu soo duub, waa duul maskaxdoodii lagu cayaaray.
Write ✍ Mohamed Jama Ismail
Comments