Skip to main content

Buugga: ‘13 Things Mentally Strong People Don’t Do’ ~ oo ay qortay Amy Morin

Buugga: ‘13 Things Mentally Strong People Don’t Do’ ~ oo ay qortay Amy Morin.

==================







Dhammaanteen waxa aynu ognahay in jimicsigu u dhiso jidhka una kordhiyo awood iyo adkaysi, laakiin badankeennu waa aynu mooggannahay in ay jiraan habab sidaas oo kale aynu maskaxdeennana ugu dhisi karno, una tayeyn karno si ay ugu diyaarsanaato xilliyada adag ee soo waajihi kara, iyo tallaabooyinka ay tahay in aynu qaadno marka caqabadaha kala duwan ee noloshu ay innaga hor yimaaddaan, iyo weliba sida ugu habboon ee aynnu marka horeba uga dheeraan karno duruufaha noocaas ah.


Amy Morin oo ku xeeldheer dabiibka nafsiga ah (Psychotherapist) ayaa waayoaragnimada ay ka heshay muddo dheer oo ay ku soo dhex jirtay la tacaalista xanuunnada nafsiga ah iyo la talinta Bukaanka xaaladaha nafsadeed la soo dersaan, waxa ay xaqiiqsatay in caadooyinka dib u dhaca oo uu qofku iska goyn kari waayaa ay yihiin sababaha ugu badan ee ka hor istaaga guusha iyo badhaadhaha.


Xaaladaha nafsadeed ee ay ka mid yihiin ‘qofka oo dhibbane isu arka’ isla qumanaanta iyo in uu mar kasta naftiisa xaal siiya, qofka oo ku dadaala in uu dareenka naxariiseed ee dadka soo jiito, qofka oo u xanuunsada / murugooda wax aanu waxba ka qaban karin, qofka oo ka masayra waxa dadka kale u kordha (Makhruuq), iyo qofka oo tallaabo kasta oo uu qaadayo iyo hawl kasta oo uu gelayaba ka fisha guul iyo midho dhal degdeg ah, arrimahaasi dhammaantood waxa ay ka mid yihiin dabeecadaha laba diblaha u xidha qofka ee aanu hore uga socon karin, waana caadiiyinka ay tahay in uu iska daweeyo.


Amy Morin ayaa buuggeeda ‘13 Things Mentally Strong People Don’t Do’ Waxa ay ku soo gudbinaysa  hannaanka ay tahay in qofku uu u kobciyo awooddiisa maskaxeed, waxa aanay soo bandhigaysaa tallaabooyin ay iyada qudheedu soo martay, kuna guulaysatay in ay isku dabiibto.

Morin waxa ay ku doodaysaa in kartida iyo tamarta maskaxdaada oo aad kobcisaa ay beddelayso hab-dhaqankaaga iyo hannaanka aad ku socotay oo dhan, kaana caawinayso jarista caadooyinkaas dib-u-dhaca, taas oo waxbadan ka wanaajinaysa tayada noloshaada. 


Waxa ay faahfaahinaysaa caadooyin 13 ah oo cidda samaysa aan laga filan karin in ay guul ka soo hoyso nolosha, waxa aanay ku tilmaamtay caadooyin iyo tallaabooyin aanay dadka maskax badani samayn. Qodobbadaas iyo Faahfaahinta ay raacisayna waa:


1. QOOMAMO KUMA DILAAN WAQTIGOODA:

Qoomamada iyo qofka oo ka murugooda wax hore waxa ay dishaa nafta. In naftaada aad dhibbane u aragto, cidda kugu xeeranna garawshiyo iyo calool dabac uga raadisaana waxa ay qofka ka fogeysaa in uu nolol dhammaystiran ku naalloodo. Waa waqti lumis, waxa ay maskaxda ku abuurtaa dareenno taban, waxa aanay dhaawacaysaa maskaxdeeda.


Morin waxa ay ku talisay in nolosha dhinaca ifaya laga eego, quusna aan laga istaagin samaha badan ee adduunka ka jira, dareenka ka xumaanshiyaha iyo murugadana lagu beddelo in la qiro wanaagga iyo dheeraadka uu qofku haysto. Taas haddii uu qofku maskaxdiisa ku beero, waxa uu nafsadda ku abuurayaa dareen ah in uu xurmeeyo oo ku qanco waxa gacantiisa ku jira.


2. ISBEDDELKA KAMA KHAJILAAN

Morin waxa ay buuggeedan ku sheegaysaa in isbeddelku uu sidiisaba shan marxaladood maro: Marxaladda ka horreysa ka fikirka isbeddelka, marxaladda fikirka, diyaargarowga, fulinta iyo marxaladda ku negaanshiyaha isbeddelka.


Waa tallaabooyinka uu maro qof kasta oo isbeddel doonayaa. Isbeddelku mararka qaarkood waxa uu noqon karaa mid cabsi badani ku xeerantahay, ama dad badani aanay hore u liqi karin, laakiin in laga cabsado ama laga khajilaa waxa ay curyaamisaa horusocodka.

Mar kasta oo uu dheeraado waqtiga uu qofku sugayo in isbeddelkaas loo bislaadaana waxa ay sii adkaysaa uun xaalka.


Iska jir sugitaanka waqtiga isbeddelka aad ku dhaqaaqayso, haddii kale facaa oo kaa sarreeyey ayaad arki.


LA SOCO…



Qore ✍️ kamaal marjaan 
Tafatire ✍️ Opportunity Cllub 

Comments

Popular posts from this blog

Geospatial Information Technology (GIT) in Fragile Contexts.. free online course

Tignoolajiyada macluumaadka juqraafiyeed (GIT ) Tignoolajiyada Macluumaadka Geospatial (GIT) waxaa ka mid ah ururinta iyo falanqaynta xogta fog ee laga dareemay, meelaha dhijitaalka ah iyo xogta sifaha loo isticmaalo nidaamyada macluumaadka juqraafiga (GIS), iyo adeegsiga tignoolajiyada la xidhiidha sida Nidaamka Meelaynta Caalamiga ah (GPS). Sayniska macluumaadka juqraafi waa mid ka mid ah mihnadaha hogaaminaya Maraykanka maanta. Waa maxay sababta macluumaadka geospatial ay muhiim u tahay? Tiknoolajiyada Geospatial waxay awood noo siinaysaa inaan helno xogta loo tixraaco dhulka oo aan u isticmaalno falanqaynta, qaabaynta, jilitaanka, iyo muuqaalaynta . Tiknoolajiyada Geospatial waxay noo ogolaataa inaan samayno go'aamo xog ogaal ah oo ku salaysan muhiimada iyo mudnaanta khayraadka kuwaas oo intooda badan ku xaddidan dabeecadda. Waa maxay faa'iidooyinka barashada GIS? GIS waxay u ogolaataa isticmaalayaasha inay abaabulaan, sawiraan, oo ay falanqeeyaan lakabyada kala duwan ee xo...

Diploma in Python Programming. Free online course

Koorsadan, waxaad ku baran doontaa aasaaska luuqadda barnaamijka Python, oo ay weheliso barnaamijyada hab-dhaqannada ugu wanaagsan. Waxaad baran doontaa inaad matasho oo kaydiso xogta adigoo isticmaalaya noocyada xogta Python iyo doorsoomayaasha, oo waxaad isticmaashaa shuruudo iyo wareegyo si aad u xakamayso socodka barnaamijyadaada. Waxaad ka faa'iidaysan doontaa awoodda qaababka xogta adag sida liisaska, sets, qaamuusyada, iyo tuples si aad u kaydiso ururinta xogta la xidhiidha. Waxaad qeexi doontaa oo aad diiwaangelin doontaa hawlahaaga gaarka ah, waxaad qori doontaa qoraallo, oo aad maarayn doontaa khaladaadka. Ugu dambeyntii, waxaad baran doontaa inaad ka hesho oo aad isticmaasho cutubyada Maktabada Heerka Python iyo maktabadaha kale ee qolo saddexaad. Waxay kaa cawinaysa  ▪︎ Horumarinta Shabakadda ▪︎ Horumarinta Software-ka ▪︎ Horumarinta Ciyaaraha AI & ML ▪︎ Falanqaynta Xogta Links hoose ka baro Coursada ⬇️  (100% Free) Diploma in Python Programming... Description ...

Awooda caqliga Dahsoon ( The power of subconscious mind )

       Awooda caqliga Dahsoon ( The power of subconscious mind )         - Buugan Waxa Qoray           (James Thompson )          waxaana Turjumay            ( xamse Tudhaale ) Qoraalada ugu muhiimsan buugan ee aan wax badan ka faaiday markaan akhriyay waxa ka mid ah........ Aaminaadaha aad naftaada ka qabto ee ku jira garaadkaaga dahsoon waxa ay saamayn wayn ku leeyihiin xaqiiqada aad la kulanto noloshaada. Haddii aad caqliga dahsoon ku sidato aaminaado taban oo naftaada ku saabsan, waxa aad si dhab ah ula kulmaysaa aaminadahaas oo dhab ah, balse haddii aaminaadaha caqligaaga dahsoon ku jira ee ku saabsan naftaadu yihiin kuwo wanaagsan waxa aad si dhab ah ula kulmi doontaa isla aaminadaahaas inta aad nooshahay.  Sababtu waa in xaqiiqada aad ku nooshahay ay la mid noqonayso sawirka aad maskaxdaada ku haysato. Aan ku celiyo mar labaad qodobkan, waayo waa mid xasa...