Halkan waxa kusoo bandhigi doona in nidaamka waxbrasho ka qayb qaato hormarka bulsho ee dhan walba tusaale aynu u soo qaadano ..Nidaamka waxbarashada aasaasiga ah ee dalka Japan waxaa ka mid ah in dugsiga hoose/dhexe xoogga la saaro maaddo lagu magacaabo, ‘Barashada anshaxa’. Waxa ay ka kooban tahay afar qaybood oo aasaasi ah;
1. Wacyiga shakhsiga ah oo qofku uu barto, fahmana shakhsiyaddiisa, dareenkiisa, waxa xiise geliya, waxa uu jecelyahay, waxa aanu ku fiicnayn. Ilaalinta quruxda iyo nadaafadda jidhka iyo dharka, Geesinimada iyo hal-adayga, xoriyadda, Nidaamka, run jeclaanta, dadaalka, isku filnaanshiyaha iyo in qofku naftiisa ku tiirsanaado, run-sheegnimada, iyo guud ahaan in uu is barto qofka uu yahay. Waxa uu gudo iyo waxa uu geyaba.
2. Xidhiidhka uu qofka kale la yeelanayo; anshaxa ay tahay in uu kula macaamilo, Mahadnaqa, niyad u dhiska qofka, kibir la’aanta iyo is dhuldhigga, saaxiibtnimada, iskaashiga, caawinta iyo garab siinta qofka u baahan, iwm.
3. Xidhiidhka uu la yeelanayo bulshada iyo kooxaha/ururrada; ixtiraamka aragiyaha ay qabaan iyo sida loo wada noolaan karo iyada oo lagu kala duwan yahay, aragti, isir iyo / ama aaminsanaan. dhowrista waajibaadka muwaadinnimo, ku dhaqanka iyo ilaalinta xeerarka iyo shuruucda, raacista nidaamka guud ee dawladnimo, Barashada xuququda uu muwaadin ahaan leeyahay iyo hababka uu u ilaashanayo, isaga oo aan xuquuq kale ku xad gudbayn, cadaaladda, ka qaybqaadashada hawlaha dadweynaha, tixgelinta qoyska, ilaalinta dhaqanka iyo xaq dhawrka dhaqannada kale, isu xilqaanka danta guud, jecaylka umadda iyo qarannimada. Masuuliyadaha bulsho ee saaran iyo guud ahaan sida uu xubin muhiim ah uga noqon karo bulshadiisa.
4. Anshaxa la noolaanshiyaha dabeecadda, deegaanka iyo dunida. Tixgelinta iyo ilaalinta deegaanka iyo dabeecadda, nadaafadda guud, xurmaynta nolosha, dhowrashada iyo sharaf ilaalinta.
Siyaasadda wasaaradda waxbarashada Japan ee maadaddani waa in la abuuro muwaadin waxtaraya naftiisa, bulshadiisa, deriskiisa iyo dunidaba, yaqaanno anshax ku wada noolaanshiyaha, xilka saaran gudan kara, xubin tirsanna ka noqon kara bulshadiisa iyo dunidaba.
Muhiimada loo qormadan usoo qadanay waxa weeye in habdhaqankan fiican lagaga daydo wadanka dhan walba u hormaray..
Comments